Donald-trump-US-Presidential-election-724002
Loading...

Wasiirka Amniga Puntland oo Gaaray Gobolka Sanaag Maalin Ka Hor Doorashada Somaliland-Sawiro

Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (dowlad) ayaa saaka gaaray Magaalada Badhan ee xarunta gobolkaasi, halkasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay

Wasiirka oo ay weheliyeen Wasiiru dowlayaasha Xanaanada xoolaha, Dekedaha, wasiir Ku-xigeeno, xildhibaano iyo saraakiil ciidan waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon , Duqa Degmada Badhan C/risaaq  Axmed Ciis,  Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee gobolka Sanaag, Cabdullaahi Cumar Cashuur, Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka ee degmadda, Taliyaha ciidamada Asluubta Gobolk Col Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isuduwayaasha Wasaaradaha, Caafimaadka, waxbarashada, beeraha, ganacsiga iyo Degaanka.

Soo dhaweynta ka dib Wasiirku wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkooda uu la xiriiro sidii beesha caalamka iyo ummada soomaaliyeed loogu soo bandhigi lahaa in gobolada Sanaag iyo hayland ayan ka jirin wax doorasha ah oo dhinaca Somaliland ka timaada

Wuxuu sheegay in Fargalinta iyo xadgudubka maamulka Somaliland ee gobolada Sanaag iyo Hayland ujeedada ka dambaysa ay tahay oo kaliya in la jahwareeriyo shacabka, lana majaro habaabiyo beesha caalamka, loona sheego in shacabka gobolka Sanaag ay doorashooyin samaynayaan.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Axmed (dowlad)

“meesha aan joogaa waa Badhan, wax doorasho iyo calaamad doorasho oo ka muuqataa ma jirto, waxaan arrintaasi suurtagaliyay shacabka oo ogo, una bisil inay ilaashadaan oo xajistaan amniga,sharaftooda iyo ilbaxnimadii taarikhigi lahaa ee ay lahaayeen” ayuu yiri Wasiirka Amniga, wuxuuna sii raaciyay

“ Shacabka degan mandiqadan ma ah shacab soo maray gumaysi, Ma ah shacab u dulqaata in shacabka kale oo Soomaaliyeed oo iyagoo kale ah ay yiraahdaan annaga idiin xukumayna, taariikhda lagamuma hayo Shacab yiraahda shacab kale, annagaa tirakoobaynaa idiin maamulaynaa” ayuu yiri Wasiirku

Wasiirku wuxuu tilmaamay  in siyaasadda Puntland ay tahay mid ku salaysan amni iyo wada noolaansho,

“cidna duulaan kuma qaado, cidna ma gardaraysato, cidwalba  waxaanu doonaynaa inaanu nabad, Islaanmo, walaaltinimo iyo somaalinimo kula nolaano, cidii intaa ka soo gudubta waajibkeedu waa gooni” ayuu yiri

Wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool goboladda Sanaag iyo Hayland inay ilaashadaan qaranimadooda, Amnigooda iyo sharaftooda, ayan ka hortagaan waxa uu ugu yeeray faragalinta iyo xadgudubka qaawan ee Maamulka Somaliland.

Booqashada wasiirka iyo waftigiisa ayaa kus oo beegantay, iyadoo ay maalin kaliya ka harsan tahay doorashada Madaxtinimada Somaliland, waxaan la filayaa inuu wasiirku u sii gudbo magaalooyin kale ee gobolka oo ay ku jiraan Dhahar, Hadaaftimo iyo Magaalooyin kale.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...
komishinka-snm DAAAWO:-Komishinka Doorashada Somaliland Oo Cabsi Weyn KaMuujiyay doorashada Iyo Natiijo hordhac
- Nov 14, 2017
Gudiga Komishinka Maleeshiyada Snm Ayaa warbaahinta Kula hadalay magaalada hargaysa iyagoo Cabsi badan Ayka ...
laascaanood1 DAAWO:-Fashilkii Iyo Ceebtii Saaka Karaacay Doorashooyinka Somaliland Laascaanood Goobihii Codaynta oo Hawaanaya
- Nov 13, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=qDs942GkxpM&feature=youtu.be
laascaanood codaynta Deg DegSAWIRO::Goobaha Codbixinta SNM Ee Laascaanood Haawanaya.
- Nov 13, 2017
Magaalada laascaanood ayaa ku jirta bandow waxaana la joojiyay dhaqdhaqaaqa gawaadhida mana jirto meel ...
axmed-Gacmo MUUQAAL: Axmed Gacmo-yare “Laba Oday ayaa Caynaba ku sheekaystay, ee Khaatumo iyo S.land Heshiis ma gelin”
- Nov 12, 2017
Siyaasiga Axmed Maxamed Xasan  (Gacmo-yare) oo Horay usoo Noqday Wasiirka Warfaafinta ee Khaatumo ayaa ...
5I2A2492-740x493 Wasiirka Amniga Puntland oo Gaaray Gobolka Sanaag Maalin Ka Hor Doorashada Somaliland-Sawiro
- Nov 12, 2017
Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (dowlad) ayaa saaka ...
images Raali Galin Ku Socota Akhristayaasha Iyo Dhageystayaasha Webka Allsool.com
- Nov 10, 2017
Dhamaan akhiyaarta sharafta mudan ee ku taxan webka Allsool.com waxaa ka raali galineynaa mudadii  maalmaha ...
FAYSAL-GALAYR Deg Deg:Ciidankii Beesha Baharsame Oo Rasaas Ku Caseeyay Koox Cali khaliif Ka Socotay
- Oct 26, 2017
Dr cali khaliif Galaydh oo Dhawaan Jabhada  SNM Heshiis Kula Saxeexday Deegaanka Caynaba ee ...
GARAAD-SALEEBAAN-GAROWE-e1501045756566-624x416 (Video) Garaad Saleeban heshiiskii SNM Iyo Cali Khaliif ka HoryimiD..
- Oct 26, 2017
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo  Boqor Cabdulaahi Dabagooye oo kamid ah Isimada beesha Dhulbahante  oo ...
cu-1 Daawo Video::Madaxweynaha Khaatumo””Qofkii U Codeeya Xisbiyada ISAAQ Kama Mid Aha Jinsiyadda KHAATUMO”
- Oct 24, 2017
Madaxweynaha Dawladda Khaatumo Cabdul Cagalule ayaa Ka Hadlay Doorashada Maamulka SNM Ee Deegaanka Khaatumo. HALKAN ...
madax weyne ku xigeenka khaatuo Deg Deg Daawo Video:Qudbad KuluL Madaxweyne Ku Xigeenka Khaatumo”Noqon-Maayo 80 Jir U Baxsada Hargeisa’
- Oct 24, 2017
Madaxweyne Ku xigeenka  dawlada Khaatumo mudane Bashiir Cismaan cabdi xaashi Oo kamid ahaa Halgamayaashi ...